Tuesday, June 23, 2026
HomeWararDibaddaOlolaha loogu magac-daray ‘Guul ama Geeri’ muxuu kusoo kordhin karaa howlgallada ka...

Ololaha loogu magac-daray ‘Guul ama Geeri’ muxuu kusoo kordhin karaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’?

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kacdoon loogu magac-daray ‘Guul ama Geeri’ oo ay hor boodayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Abwaanno, Dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada si loo taageero howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Banaadir iyo Gobollada kale.

Gawaari lagu buufiyay ‘Guul ama Geeri’ oo lagu xardhay Sawirrada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Howlgallada xooggooda ka socda oo ay kasoo dhex muuqanayaan Saraakiil & Ciidan oo lagu xiray cod-baahiyaal ayaa lagu arkayaa qaybo kamid ah Caasimadda.

Qaar kamid ah dadka qaybta ka ah Ololahaan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada Federaalka, Daraawiishta & Kuwa Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ee ‘AS’ Ka qabsaday deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo in muddo ah ku sugan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa uu guud ahaan ku baaqay in la garab istaago Ciidanka Qaranka ee ku jira Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loosoo gabagabeeyo wajiga 1aad ee howlgalladaas socda.

Madaxda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda ayaa ku ballamay in la dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ inkasta oo xooggiisa uu ka socda Galmudug & Hir-Shabeelle balse Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa loo asteeyay wajiga labaad ee howlgalkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bishii Febaraayo 2023 waxa uu diiradda saaray howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo Caasimadda isugu keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Kan Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe