Monday, June 22, 2026
HomeWararDibaddaHay’adda IOM oo ka digtay halista ka dhalan karta daadadka Roobka Dayrta...

Hay’adda IOM oo ka digtay halista ka dhalan karta daadadka Roobka Dayrta Soomaaliya, Kenya & Itoobiya.

Saraakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa soosaartay warbixin ay ku qiimeynaysay xaaladda abaar iyo daaha ku yimid waqti roobaadkii muddada dheer la sugayay in Soomaaliya ay ka hooraan.

Warbixinta Hay’adda IOM ee boggeeda lagu daabacay ayaa lagu sheegay in Roobkii Guga oo aanay si fiican uga da’in deegaannada kala duwan ee Soomaaliya, Itoobiya & Kenya uu sababay xaalad abaar iyo dhulka oo intiisa badan qalalay.

Waxa ay Hay’addu xoojisay Digniinta la xiriirta Xaaladda El-nino ee daadadka badan ee Roobka Dayrta ah ee dhowaan la filayo in uu curto taasi oo biyo badan ku hoorin karta Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo fatahaad horleh sameyn kara.

Cunno la’aanta, Biyo aan nadiif ahayn oo caafimaad ahaan aanay wanaagsaneen iyo daryeelka bulshada oo aad u liita ayay muddo ku dhex jireen Malaayiin ruux oo ku nool Soomaaliya, Kenya & Itoobiya sida ay sheegeen saraakiil katirsan Qaramada Midoobay.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa dhowaan ku dhawaaqday digniinta la xiriira xaaladaha ka dhalan kara Daadadka ka dhasha Roobka Dayrta oo curanaya Horraanta Bishaan Oktoobar oo maanta billow ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe