Saturday, May 30, 2026
HomeWararNabadoon Xalay Lagu Dilay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Nabadoon Xalay Lagu Dilay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Waxaa xalay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu dilay Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley oo kamid ahaa Nabadoonada Magaaladaasi.

Magaalada Beledweyne waxaa Xiligaan ka socda Howlgallo gaar ah oo ay wadaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Howlgadan ayaa yimid kadib markii Magaalada Beledweyne xalay lagu dilay Nabadoon lagu Magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Ciiley  oo ka mid ahaa waxgaradka sidda weyn looga yaqaano magaalada.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa si weyn uga naxay Shacabka kunool Magaalada Beledweyne, waxaana ay codsadeen in Ciidanka ay soo qabtaan Kooxihii dilay Nabadoonka.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Howlgaladan si gaar ah waxa ay uga wadaan 4-ta xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne, waxaana intii uu howlgalka uu socday ay soo qabteen Koox dhalinyaro ah oo tuhmanayaal ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe