Wararka Caawa Naga Soo Gaaraya Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Dagaal Saacado Badan Qaatay Uu Ka Dhacay nawaaxiga Deegaanka Kaxan-dhaale Ee Gobolka Gal-Gaduud.
Dagaalka Ayaa Si Gaar Ah Waxa Uu uga Dhacay halka Lagu Magacaabo Laanta Dusmada Oo U Dhaw deegaanka Kaxan-Dhaale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud.
Mid ka Mid Dadka Deegaanka Oo Aan Caawa La Hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay In Xabbadu Abaare Salaadii Cishe Joogsatay Balse Weli Xiisad Colaadeed Laga Dareemayo.
Hal Qof Ayuu Sheegay In Uu Ku Dhaawacmay Dagaalka Inta Uu Ka Warqabo Balse Waxa Uu Xusay In Dagaalka Uu Saacado Badan Qaatay
Dhinaca Kale Xariir Aan La Sameynay Dhinaca Kale Beelaha Maanta Ku Dagaallamay Deegaanka Kaxan-Dhaale Nooma Suurta-Gelin In Ay Aan Haleelno.
Hoos Ka Dhageyso Waresyiga Oo Dhameystiran:-

