Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee shirarka uga socdo Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Guddoonka ay doorteen Guddiga doorashooyinka lagu mursansan yahay oo ay magacaawday dowladda Soomaaliya iyo mowqifkooda ku aadan doorashadaas.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ku sheegeen in tallaabada ay Guddiga sharci darrada ah guddoonka ku doorteen ay tahay mid la isaga dhega tarayo baaqii Musharixiinta ee ahaa in la qabto doorasho la isla ogol ahay & kusii adkeysi tabihii uu doorashada ku boobi lahaa Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Golaha waxaa ay ku wargeliyeen Dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in  inay qaadayaan tallaabo kasta oo dalka looga  badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ka dhaco firaq Dastuuri ah.
Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa uga digay Madaxweynaha mudad xilheyntiisa ay sii dhamaaneyso ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo in uu qaadayo cawaaqib xumada ka dhalata ku adkeysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.
Qoraalkaan kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhankooda ay shalay ku dhawaaqeen  Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo ka kooban 28 Xubnood.