Sunday, February 9, 2025
HomeWararAl-Shabaab oo weerar ka geystay Gudaha Kenya & faah faahin laga helayo

Al-Shabaab oo weerar ka geystay Gudaha Kenya & faah faahin laga helayo

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay markale weerar khasaaro geystay ka fuliyeen degaano ka tirsan Magaalada  Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada booliska Kenya, kaas oo ku yaalla tuulada Sheekh Barroow ee hoos tagta Mandheera, waxana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

Waxaa jiro khasaaro kala duwan oo dagaalkaas ka dhashay, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku gubeen laba Gaari oo ay lahaayeen Ciidamada Booliska Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli kama hadlin weerarkaas lagu qaaday saldhigooda ku yaalla tuulo ku taalla duleedka Magaalada Mandheera, saldhigaas oo dhowr jeer la weeraray.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin degaanka  Amuuma oo katirsan isla gobolka Gaarisa, waxaana weerarkaas  ku dhaawacmay hal askari halka laba askari  oo kale lagu la’yahay

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe