Home Barnaamijyo Mareykanka oo ku baaqay in Soomaaliya laga kaalmeeyo sugidda amniga

Mareykanka oo ku baaqay in Soomaaliya laga kaalmeeyo sugidda amniga

289

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in dowladda Soomaaliya laga taageero dhanka amniga si ay uga adkaato dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay kula jirto dagaal xooggan.

Donald Yukio Yamamoto Ku xigeenka Kaaliyaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku maraayay Bariga Afrika ayaa sheegay in xilliggaan la taagan yahay xilligii lasoo Afjari lahaa Xiisadda ka dhex jirta dalalka Afrika.

Waxaa uu tilmaamay Dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan   in ay muhiim tahay in laga kaalmeeyo sugidda amniga iyo dib usoo celinta Xasiloonidooda.