Friday, April 25, 2025
HomeBarnaamijyadaCiidamada Israel oo saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Qasa

Ciidamada Israel oo saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Qasa

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas ee Qasa ayaa sheegtay in ciidamada Israel toogasho ku dileen saddex Falastiiniyiin ah oo ka qayb qaadanayey mudaharaad ballaaran oo lagaga soo horjeedo gidaarka Israel.

Qofkii ugu horeeyey ee dhimashadiisa la xaqiijiyaa waxa uu haa Cabdulsalaam Bakr oo 29 jir ah, waxaanay wasaaradda caafimaadka maamulka Xamaas ee Qasa sheegtay in ay ciidamada Israel madaxa kaga toogteen bariga magaalada Qasa.

Israel ayaa sheegtay in boqolaal qof oo mudaharaadayaa isku dayeen in ay gubaan gidaarka dhagaxaan iyo bambooyin laga sameeyey quraarado baatrool ku jira na ay tuurayeen. Waxaanay intaa ku dartay in ciidankeedu adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa, rasaasta rabadhka ah iyo mid nool ba.

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe