Home Warar Laamaha ammaanka DG Jubbaland oo Dad u xiray qarax lagu dilay Xildhibaan...

Laamaha ammaanka DG Jubbaland oo Dad u xiray qarax lagu dilay Xildhibaan Khaliif Haashim.-SAWIR

303

Ciidamada ammaanka DG Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka sameeyay howlgal ay ku xireen dad ay ku tuhmayaan qarax miino nuuca dhajiska ah oo gaari loogu xiray Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur.

Laamaha ammaanka DG Jubbaland ayaa dadka ay ku tuhmayaan qaraxa lagu dilay Xildhibaanka geeyay xarumahooda baarista, inkasta oo aysan soo bandhigin tirada dadka loo qabtay & natiijada baaristooda.

Xildhibaan Khaliif Haashim waxa uu kamid ahaa rag ay saaxiibo dhaw la ah Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana mas’uuliyadda qaraxaas lagu dilay sheegatay Al-Shabaab.

AUN Xildhibaan Khaliif Haashin Nuur

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe oo cambaareeyay dilkaas ayaa laamaha ammaanka faray in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay qaraxa loogu xiray Gaariga oo ugu dambeyn dhaawac kasoo gaaray uu u dhintay Khaliif Haashim.

Bilooyinkii lasoo dhaafay ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa welwel laga muujinayay, kadib markii lagu dilay Mas’uuliyiin katirsan DG Jubbaland, qaarkood la qarxiyay, kuwa ayaa hoygooda lagu weeraray, halka baro kontorool bambooyin lagu tuuray.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer kulan gaar ah la qaatay laamaha ammaanka DG Jubbaland, waxyaabaha ugu weyn ee uu kala hadlay waxaa kamid ah sugidda amniga, wax ka badalka shuruucda ay u dhaqmayaan & isla xisaabtanka saraashiisa ilaa ciidanka.