Friday, March 29, 2024
HomeWararKulamo looga hadlayo la-dagaalanka al-Shabaab oo ka dhacay galgaduud

Kulamo looga hadlayo la-dagaalanka al-Shabaab oo ka dhacay galgaduud

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariiful Arwaax) iyo saraakiil u hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Galmudug ayaa gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa horay usoo maray magaalooyin dhowr ah sida, Dhuusamareeb,Gaalkacyo, Cadaado,Caabudwaaq, Balanbale iyo kuwa kale oo ka tirsan Galmudug.

Taliyaha ayaa kormeeray dugsiga tababar ciidanka ee Harqaboobe oo ku yaala degmada Guriceel halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha dugsiga iyo saraakiil kale oo halkaasi ku sugan.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidamada kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada maamulka galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe