Sunday, March 23, 2025
HomeWararKenya Oo Sheegtay In Ay Dishay Dagaallamayaal Ka Tirsan Al-shabaab

Kenya Oo Sheegtay In Ay Dishay Dagaallamayaal Ka Tirsan Al-shabaab

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku dishay howlgal ay ka fulisay Keynta Booni ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Hay’adaha amaankaKenya ayaa sheegay in 4 ka tirsan Al-shabaab  lagu dilay howlgalkaas kuna qabsadeen 6 Qori oo AK-47.

Howlgalka ayey ku sheegeen in uu ka dhacay sohdinta Gobollada Gaarisa iyo lamu ee ku teedsan keynta Booni loo yaqaan.

Agaasimaha howlgalka Keynta Booni ee  Ciidanka Kenya  Joseph Kanyiri, ayaa sidoo kale sheegay in ay rasaas badan ka furteen AL-shabaab.

Waxaa uu mr  Joseph Kanyiri,  sheegay in howlgalka uu billowday markii Ciidamada AL-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan Siin Isgaarsiineed oo ay leedahay Sharikadda Safaricom kaddibna Ciidamada ay ku baxeen sidaasna dagaalka ku dhexmaray.

Dilka afarta qof ee ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in ay ku soo aadday saddex bilood kaddib markii toban ka mid ah Al-shabaab lagu dilay degaanka Taksile ee ka tirsan Lamu.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe