Saturday, December 6, 2025
HomeWararMidawga Yurub Oo Kordhinaya Hawl-Galkiisa Soomaaliya

Midawga Yurub Oo Kordhinaya Hawl-Galkiisa Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub ayaa kordhiyay muddada iyo miisaaniyadda qeybtiisa Soomaaliya,waxaana la gaarsiiyay ilaa sanadka 2020ka.

laga billaabo January 2019 ilaa 31ka December 2020 ayuu shaqeynayaa Ururka Midowga Yurub xafiiskiisa taageera Soomaaliya,waxaana loo qoondeeyay miisaaniyad dhan  €22.9Milyan oo yuuroo.

Qeybaha howlgalka ee la kordhiyay waxaa ka mid ah qeynta tababaridda Ciidamada Soomaaliya,qeybta taageerta Istiraatiijiyadda Siyaasadda Soomaaliya iyo qeybta kaabidda ama caawinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la aas aasay Sanadkii 2010kii,waxaana uu sanadkii 2014kii xarun ama xafiis uu ku shaqeeyo ka furtay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Midowga Yururub ee Soomaaliya waxaa uu leeyahay shaqaale gaaraya 200 oo qof,waxaana madax ka ah Jeneraal Matteo Spreafico oo u dhashay Dalka Talyaaniga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe