Wararka Saaka Ka Imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug Gaar Ahaana Deegaanka Cadaley Oo Shalay Gelinkii Dambe Ay Duqeyn Ka Dhacday Ayaa Saaka Waxaa lagu Soo Warramayaa In Saaka Halkaasi Laga Dareemayo Saameynta Duqeyntaasi Ay Reebtay.
Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo Diiday In Magaciisa Iyo Codkiisaba Loo Adeegsado War-Baahinta Sababa Amni Awgood Ayaa Codka Gobollada Dhexe U Sheegay In Weli Ay Maqlayaan Dhawaqa Diyaaradihii Shalay Duqeynta Gestay.
Waxa Uu Tilmaamay Qofkan La Hadlay Codka GobolladaDhexe In Weli Diyaaraduhu Gor Heehaabayaan Deegaanka Cadaley Dushiisa dadka Deegaankana Ay Ka Baqayaan In Mar Kale Halkaasi Duqeyn Ka Dhacdo.
Tirada Diyaaradaha Ayuu Ku Sheegay In Ay Gaarayaan Illaa Iyo Saddex Diyaaradood Kuwaas Oo Shalay Illaa Xalay Dul Heehaabaya Deegaanka Dushiisa.
Sidoo Kale Goob-joogahan Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Deegaanka Ay Ku Sugan Yihiin Dagaallamayaal Ka Tirsan Dhaq-Dhaqaaqa Al-shabaab Oo Halkaas Duqeynta Lagula Beegsaday.
Waxa Uu Xusay In Duqeyntii Shalay Lala Eegtay Gawaari Ciidan Oo Ay Lahaayeen Al-shabaab Kuwaas Oo Halkaasi Marayey Inkastoo Aan La Xaqiijin Khasaaraha Dhanta Ah Ee Ka Dhashay Duqeyntaasi.
Deegaanka Cadaley Ayaa Waxa Uu Dhacaa Ee Koonfurta Gobolka Mudug Waxa Uuna Dhinaca Waqooyi Kaga Beegan Yahay Deegaanka Caad Ee Isla-Gobolkaasi Mudug.