Brent Taylor, waxaa uu ahaa 39 jir Guddoomiye ka ahaa Magaalada North Ogden ee Gobolka Utah ee dalka Mareykanka.
Sabtigii ayaa lagu toogtay Magaalada Kabul ee Caasimadda Dalka Afghanistan,halkaas oo uu u joogay la shaqeynta Milatariga Mareykanka ee ka socda Gobolka Utah.
Nin ka mid ahaa Askarta Dowladda Afghanistan ayaa toogtay,waxaa uu sidoo kale dhaawacay kuwo kale, qofka dilka geystay ayaa isaguna waxaa toogtay Askarta Afghanistan.
Brent Taylor,waxaa uu ka tagay 7 Carruur ah iyo hal Xaas,waxaana durba Internetka laga billaabay ololaha lacago loo ururinayo iyada oo ilaa hadda ay mareyso lacagtaas $250,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Ninkan ayaa 2006dii ka soo shaqeeyay Dalka Ciraaq,waxaana 2012kii uu hilay billadda shaqo wanaagga ee Ciidamada Mareykanka