Saturday, March 22, 2025
HomeWararGuddoomiyaha Warsheekh “Waxaan heynaa magacyo iyo tirada dadkii dilka geystay “

Guddoomiyaha Warsheekh “Waxaan heynaa magacyo iyo tirada dadkii dilka geystay “

Guddoomiyaah degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay falkii Hooyada & labada carruurta ah ee lagu dilay ee ka dhacay degaanka Xaluule oo hoostaga degmadaas.

Guddoomiyaha oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada jowhar ayaa waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin falkaasi lagu dilay dadka Birima-geydada ah, kuwaas oo soo lab laabtay.

Waxaa uu sheegay in ay hayaan magacyo iyo tirada dadkii geystay Xasuuqii Carruurta iyo haweenka, isla markaana dhacdadaasi ay la xiriirto dagaal aanooyin qabiil ah oo ka jira degaannada hoostaga degmada Warsheekh.

Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka degmada Warsheekh iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa uu ugu baaqay inay arrintaani ka harin, isla markaana ay ka hortagaan in falal kale ay dhacaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay guddoomiyaha degmada Warsheekh in ay dhawaan gacanta kusii dhigi doonaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe