Home Warar Cali Guudlaawe & Xubno kale oo la diiwaangeliyay

Cali Guudlaawe & Xubno kale oo la diiwaangeliyay

159

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka lagu soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Diiwaangelinta oo shalay bilaabatay ayaa waxaa la diiwaangeliyay ilaa Afar Musharax oo kala ah, Siihayaha xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo u sharaxan Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Waxaa dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay diiwaangeliyeen laba musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenkia Hir-Shabeelle, kuwaas oo kala ah , Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere)

Maanta ayaa la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle iyo kuxigeenkiisa, waxaana Maalinta berito ah la dhageysan doonaa khudbadaha musharixiinta, halka Maalinta Arbacadaha ah ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.