Sunday, January 19, 2025
HomeWararGaas:-“Dowladda Dhexe Mushaarka Shaqaalaha Muqdisho Uun Bey Bixisaa”

Gaas:-“Dowladda Dhexe Mushaarka Shaqaalaha Muqdisho Uun Bey Bixisaa”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in kaliya ay ahmiyad siiyaan shaqaalahooda joogo Magaalada caasimada ah iyo hareeraheeda.

Waxaa uu sheegay in Dowladda  Federaalka ay dhowr jeer shaacisay in ay bixiyeen dhamaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda balse ay kaliya bixiyaan sida uu sheegay mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ee Magaalaa Muqdisho ku sugan.

“Shaqaalaha iyo Ciidamada ay sheegayaan in ay siyeen mushaaraadka waa kaliya kuwa Xamar iyo meelaha ku dhaw joogo oo kuma jiraan kuwa maamul goboleedyada”ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Eedeymahaan ayaa imaanaya xili xiisad siyaasadeed oo xoogan ay u dhaxeyso madaxda Maamul Goboleedyada iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe