Monday, July 20, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Wararkii Ugu Dambeeyey Dadaallada Nabadeed Ee Ka Socda Dhumay

Dhageyso:- Wararkii Ugu Dambeeyey Dadaallada Nabadeed Ee Ka Socda Dhumay

Caaqil Cumar Maxamed Xasan (Dacar) oo kamid ah waxgaradka gobolka Sool oo waraysi siiyey Codka Gobollada Dhexe ayaa ka hadlay colaadii dhawaan ka dhacday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool taas oo u dhaxaysay beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi iyo sidoo kale shir weyne lagu heshiisiinayo labadaasi beelood, waxaana uu Caaqilku sheegay in ay haatan marayaan meel wanaagsan dadaalada nabadeed ee lagu dhex galayo.

Caaqil Dacar ayaa dhanka kale sheegay in gogashii nabadeed ee labada beelood loo raray magaalada JigJiga isla markaasna uu masuuliyadeeda uu la wareegay madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar, waxaana dhawaan ka  bixi doona gobolka Sool xubno matali doona beelihii dirirtu dhex martay.

Waxa Uu Sheegay In Lasoo Xulay Wax-garad Ka Socda Labada Dhinaca Kuwaas Oo Gaaraya Ilaa Iyo 25 Oday Oo Dhinac Walba Ah Isagoo Tilmaamay In Jig-Jiga Ay Umba-baxayaan 11-Ka Bishaan Oo Maanta Ku Beegan.

Dhinaca Kale Caaqil Cumar Max’ed Xasan Ayaa Xusay In Nabadeyntaan Aysan Lug Ku Lahaan Doonin Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland Isagoona Sabab Uga Dhigay Guulo Ay Ka Keeni Waayeen Ka Dib Dhawr Maroo Hore Oo Ay Galeen Dadaallo Nabadeed Oo Ku Adan Dirirta Beelahan.

Ugu Dambeyn Waxa Uu Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey In Si Wanaagsan U Dhacdo Gogosha Nabadeed Ee Lagu Dhex-Dhexaadinayo Labadaan Beelood Ee Ku Dagaallamay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Caaqilka Oo Dhameystiran Waxa Uu U Warramay Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Garoowe Abdi Rahman Wadani:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe