Qarax miino nooca laga hago meelaha fog fog ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Puntland oo waday howlgal ayaa lala eegtay qaraxaas, xili ay socdaal ku marayeen wadada laamiga ah ee hor marta Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo.
Dadka deegaanka ayaa ku warramay in qaraxii xalay dhacay uu ku geeriyooday hal Askari oo kamid ah Ciidanka Puntland, halka dad ku dhow 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa.
Ciidanka ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa tegay halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano kala duwan oo la xiriira qaraxaas, in kastoo aan faah faahin laga helin baaritaanka iyo cid lagu soo qabtay.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro, isla markaana waxaa inta badan Mas’uuliyada falalkaas sheegtay Al-shabaab.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

