Home Warar Deni oo kulan la qaatay xubn ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka

Deni oo kulan la qaatay xubn ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka

43

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander oo ay weheliyaan Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Sweden iyo Madaxda Hay’adda Diakonia ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Sweden, Iyadoo xoogga la saaray dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Sweden ayaa bogaadisay dadaalka Madaxweynuhu ku bixiyey hirgelinta dimuqraadiyadda oo xilli hore la billaabay, in kastoo dad badan ay sheegaan in Punland xilligaan ka jirin wax dimuqraadiyad ah.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden Mudane Abdicasiis Cilmi Birjeeb, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo La Taliyeyaal Madaxweyne .