Monday, April 15, 2024
HomeWararFaah faahin:- Dagaal & duqeymo ka dhacay G/ Galgaduud & khasaaro ka...

Faah faahin:- Dagaal & duqeymo ka dhacay G/ Galgaduud & khasaaro ka dhashay

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dagaal xooogan oo u dhaxeeyay ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka ka dhacay deegaanka Ceelgorof oo ku dhow degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeynayay in weerar ku qaadaan deegaanka Goobo oo degmada Maxaas ka tirsan ay ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka u dib mareen taliskii Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceelgorof.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Xubnihii Al-Shabaab iyo Ciidamada dib u xoreynta uu dhexmaray dagaal xooganaa, isla markaana khasaaro badan ay gaarsiiyeen.

Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee weerarka qorsheynayay, balse aan wax faah faahin ah laga helin khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, balse Ciidamada degaanka ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe