Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaaafad ka tirsan degmadaasi ay ka dhacday is rasaaseyn geysatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Israsaaseynta ayaa waxa ay dhex-martay dad isku heystay dhul ku yaalla duleedka magalada dhuusamareb, waxaana inta la xaqiijiyay israsaaseyntaas ku geeriyooday Nin Magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Caabi.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka israaseynta ku geeriyooday uu kamid ahaa ragga dhulalka ka ganacsada ee loo yaqaano dalaaliinta, isla markaana uu caan ka ahaa Magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada hoostaga.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb oo ay israsaaseynta ka dhacday ayaa waxaa ay sheegayaan in ay halkaasi ka taagan tahay xiisada ka dhalatay dilka ninka israsaaseynta ku dhintay.
Isqab qabsiga la xiriira dhulalka ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa uu kusoo batay degaannada galmudug, waxaana dhacay dagaal beeleedyo salka ku haayay isqab qabsiga dinaca dhulalka.