Sunday, February 9, 2025
HomeWararDowladda Britain oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Dowladda Britain oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Safiirka uK u fadhiya  Soomaaliya  Amb, Ben Fender, oo ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb-gashay Shirkii Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa sheegay in loo baahan yahay si dalka Soomalaiya uu u noqdo mid horay u socda in uu jiro heshiis Bulsho oo la gaaro.

Wuxuu u muuqday Safiirka in uu ka hadlayay khilaafaadka soo noqnoqday ee ka jira Soomaaliya, ee qaarkood ay la xiriiraan arrimaha doorashada dalka oo waqtigaan uu muran ka taagan yahay.

Wuxuu yiri: “Dadka waa in ay aqbalaan in ay ka tanaasulaan waxyar oo ka mid ah waxyaabaha iyaga keliya danta u ah; in ay aqbalaan shuruucda, dastuurka, iyagoo u daneynaya dadka kale oo dhan.”

Wuxuu tilmaamay in arrimahaas uu horey uga akhriyay buug ka hadlayay dhibaatada qalalaasaha. Balse horey uma fahmin illaa aan ka imaaday Soomaaliya ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadalka Safiirka uK u fadhiya  Soomaaliya  Amb, Ben Fender ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu  jiro muran ka dhashay Guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday dowladda Soomaaliya, kaas oo ay kasoo horjeesteen musharixiinta Madaxweynaha, iyaga oo sheegay in laga soo kala xulay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe