Home Warar Puntland oo shuruud ku xirtay siideynta rag u xiran Burcad badeednimo

Puntland oo shuruud ku xirtay siideynta rag u xiran Burcad badeednimo

147

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo halkaasi u tegay in la siidaayo Rag u xiran Burcad badeednimo oo ay Gacanta ku heyso Puntland.

Xildhibaannada ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda & Xildhibaannada Puntland, iyaga oo ka dalbaday in raggaas ay siidaayaan oo kusoo wareejiyaan., basle la sheegay in Puntland shuruud ku xirtay siideynta  raggaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Puntland ay sheegeen in maxaabiistaas oo u xiran falal la xiriira Burcad badeednimo laga soo wareejiyo xabsi ku yaalla jasiirada Seychelles, kadib Heshiis dhexmaray Puntland iyo Jasiirada Seychelles.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in sidoo kale xildhibaannada Galmudug ay dalbadeen in maxaabistaas loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya si ay ugala xaajoodaan, hayeeshee Madaxda Puntland ay sheegeen in ay aqbalayaan codsigaas hadii dowladda Soomaaliya  ay ka dalbato in maxaabiista Burcad-badeeda ee Garoowe ku xiran  loo wareejiyo Muqdisho.

Maxaabiista kasoo jeeda degaannada Galmudug ee loo heysto Burcad badednimo ayaa waxaa ay gaarayaan 17 Rag ah, waxaana ay muddo dheer ku xiran yihiin Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe, iyada oo Galmudug ay ku dadaaleyso in Maxaabiistaas la siidaayo.