Thursday, August 20, 2026
HomeWararGudahaDFS oo Lumisay Gacan-ku-haynta Balad-Xaawo, Jubbaland oo la Wareegtay

DFS oo Lumisay Gacan-ku-haynta Balad-Xaawo, Jubbaland oo la Wareegtay

Gobolka Gedo ayaa mar kale wajahaya isbeddel weyn oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, kaddib markii Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdirashiid Janan), oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaa arrimaha amniga iyo sirdoonka ee gobolka, uu heshiis la gaaray maamulka Jubbaland, isla markaana uu ku dhawaaqay in la soo afjaray khilaafkii muddada dheer kala dhexeeyay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

Janan ayaa 11-kii Agoosto 2026 ayaa heshiis la galay Jubbaland, iyadoo ciidamadii uu hoggaaminayay ee ku sugnaa Beled Xaawo ay sidoo kale la jaanqaadeen isbeddelka. Wararka ayaa sheegaya in arrintani wax weyn ka beddeli karto dheelitirka awoodda siyaasadeed iyo midda ciidan ee Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa muddo ahaa shaqsi muhiim ah oo Dowladda Federaalka ku tiirsanayd marka laga hadlayo joogitaanka dowladda ee Gobolka Gedo, gaar ahaan Beled Xaawo.

Janan ayaa ciidamadii uu hoggaaminayay isugu yeeray xerada UK ee duleedka Beled Xaawo, halkaas oo uu kula hadlay, isagoo sheegay in khilaafkii kala dhexeeyay Jubbaland la soo afjaray.

Janan laftiisa ayaa sheegay in wadahadallada looga gol lahaa in la joojiyo dhiigga iyo colaadda ka taagan Gedo, isagoo ku baaqay in ciidamada Soomaaliyeed ay iska kaashadaan la dagaallanka Al-Shabaab.

Beled Xaawo ayaa ah magaalada ugu muhiimsan ee xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana muddo dheer ka jiray loollan u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland oo ku saabsan cidda maamuleysa magaalada iyo ciidamada ku sugan.

Gedo wuxuu muddo ahaa meel ay Muqdisho iyo Kismaayo isku hayaan awoodda siyaasadeed iyo tan amni. Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan magangelyada ayaa horay u diiwaangelisay in qaybo ka mid ah Gedo ay muddo dheer ahaayeen goobo ay ku loollamayeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland, iyadoo gacan-ku-haynta magaalooyinka qaarkood ay marar badan is beddeshay.

Axmed Madoobe ayaa 28-kii Luulyo 2026 gaaray Beled Xaawo, halkaas oo uu booqday xero ay ciidamada Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin duleedka magaalada, isagoo ciidamada kula hadlay xaaladda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Booqashadaas iyo heshiiska Janan ee dhacay maalmo kaddib ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee Jubbaland ay si weyn ugu soo laabteen Gedo.

Beled Xaawo waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo xuduud la wadaagta Kenya, taasoo gobolka Gedo siinaysa muhiimad amni iyo dhaqaale.

Xuduudda Kenya waxay muddo ahayd marin muhiim u ah isu-socodka dadka, ganacsiga iyo ciidamada, waxaana sidoo kale gobolka ka howlgala ciidamo iyo hay’ado amni oo ka socda dalalka deriska ah.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay qorsheyaal siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo nidaamka qof iyo cod, halka Jubbaland ay ka mid tahay maamullada sida adag uga soo horjeeda qaar ka mid ah qorshayaasha Muqdisho.

Labada dhinac ayaa muddo isku hayay arrimo ay ka mid yihiin awoodda dowladda dhexe, maamulka dowlad-goboleedka, doorashooyinka, ciidamada iyo cidda maamusha deegaanada Gedo.

Xiisadda ayaa marar badan isu beddeshay iska horimaadyo ciidan, gaar ahaan Beled Xaawo iyo Doolow. Qaramada Midoobay waxay horay u diiwaangelisay in dagaallo culus ay Gedo ka dhaceen 2025, iyadoo ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay isku dhaceen Beled Xaawo iyo Doolow.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe