Waxaa Wali Qaybo Kamida Gobolka Muudug Kataagan Saamayntii ay Dalka Shacabkaa Kureebtay Abaartii Lamagac Baxada Sima Ee Kudhufatay Gayiga Soomaaliyeed Waxaana Dadkii ay Xoolahoodii Kudhamaadeen Abaartaas Ladaalaa dhacayaan Sidii ay Noloshooda Kumaarayn Lahaayeen.
Deegaanka Wisil Ee Gobolka Musug oo u dhexeeyay Degmooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug Waxaa Kunool Boqolaal Shacaba oo Xoolihii ay Kaga dhamaadeen Abaartiisima Waxaana Hada ay Noloshoda Kumaareeyaan Beero ay Abuurteen Si ay Qowtul yoonkooda uga Raadsadaan sida uu ii sheegay Afayeenka Wisil Ee Yoonis Abshir Daleel.
Afayeenka Waxa uu Xusay in Abuur iyo Biyo Xireeno Loosameeyay Dadka Xoolihii ay Kadhamaadeen Ee Kunool Wisil.
Dhanka Kale Yoonis Abshir Daleel Afayeenka Deegaanka Wisil ayaa Carabka Kudhuftay in Hada Qodrada iyo Raashinka Diirka leh Ee Laga isticmaalo Wisil aan Laga Soo iibin Degmooyin Kale Hase ahaatee ay Soosaaraan Shacabkii Xoolahoodii Kuwaayay Abaartii Sima.
Inkasta Oo Dalaga uu Kamid yahay ila dhaqaale Ee Dalka ugu Waawayn Hada Waxaa shaki uu Kajiraa ilaa iyo inta ay Siisoconkarto Waxsoosaarka Dadka shacabkaa Ee Xoolahiidii Kuwaayay Abaartii Kudhifatay Soomaaliya Maadaama aysan Jirin Daawlad Kacaawinaysa inay Waxsoosaarkooda Siiwataan.
Halkaan Kadhageyso:-Codaka
https://holistickenko.com/arthritis-types-symptoms-treatments/
https://holistickenko.com/arthritis-types-symptoms-treatments/