Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi la socda ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug halkaas oo uu ka billaabyo kulamo wadatashi ah.
Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin isugu jirta heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, saraakiisha ciidanka labada heer & kuwa Midowga Afrika.
Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo sidaan oo kale la kulmay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA, Mahad Maxamed Salaad.
Xukuumadda Dan-Qaran ayaa doonaysa in Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug ka qabato Doorasho Dadweyne oo lamid ah tii ka dhacday Gobolka Banaadir oo weli muranka ka taaganyahay iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug si Dadku u doortaan mas’uuliyiinta maamulaysa.

