Home Warar Ciidanaka Xooga Dalka Oo sheegay inay Dileen Horjoogayaal Katirsan Al-shabaab

Ciidanaka Xooga Dalka Oo sheegay inay Dileen Horjoogayaal Katirsan Al-shabaab

427

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Basra oo 18-KM dhinaca koofur kaga beegan degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya howlgal qorshaysan oo laga sameeyay in lagu laayay maleeshiyaad Katirsan Al-shabaab.

Howlgalkaan Lagudilay Xubnahaan Katirsan Al-shabaab ayaa lasheegay inuu ahaa Mid qorshaysan oo Saqdiidhexe Xalay Lagu Fuliayay Deegaano Katirsan Gobolka Dhabeelada Dhexe.

Horjooga yaasha Katirsan Al-shabaab Ee Lasheegay in Ladilay Ayaa Waxaa Kamid ah shaqsi magaciisa lagu soo koobay Macalin Daahir oo Sida Laxusay Al-shabaab u Qaabilsanaa degmada Balcad iyo deegaanada Hoostaga.

Marka Lagasootago Warbixinta ay Daabacday Warbaahinta Qaranka Ee Lagu dheegay in Ciidamada Xooga Dalka ay Dileen Horjoogayaal Katirsan Al-shabaab

Boga ay Twitter-ka Kuleedahay Hay,ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Ee NISA ayaa Lagu daabacay in Hawlgalo ay Ka fulusay Hay,ada Basra Lagudilay 6-Xubnood Oo Katirsan Alshabaab

“Howlgal ciidanka Amnigu ka fuliyay Deegaanka Basra ayaa lagu dilay (6)xubnood oo Alshabab ah, xubintii madaxa u ahaana waa lasoo qabtay. Kooxdan ayaa maleegaysay weerar ay ka gaystaan magaalada Muqdisho”ayaa lagu yir war Qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitter-ka NISA