Home Dhageysi Dhageyso:-Madaxa Xukuumadda Gal-mudug Dhuusa-mareeb Ka Dhagax-dhigay Xarun Muhim Ah

Dhageyso:-Madaxa Xukuumadda Gal-mudug Dhuusa-mareeb Ka Dhagax-dhigay Xarun Muhim Ah

321

Shiikh Max’ed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Gal-mudug Oo Ay Wehliyaan Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Gal-mudug Ayaa Maanta Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud Ka Dhagax-dhigay Xarunta Agaasinka Waxbrashada Gobolka Gal-gaduud.

Shiikh Shaakir ayaa Waxa Uu Sheegay In Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud Ay tahay Caasimadda Maamulka Gal-mudug Sidaa Daraadeedna Wasaarad Kasta OO Ka Tirsan Gal-mudug Ay Xaafiis Ku yeelaan Doonto Gudaha Magalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud.

Madaxa Xukuumadda Gal-mudug Ayaa Sidoo Kale waxa Uu U Mahad-celiyey Hay’adda Care International Taasi Oo uu Sheegay In Ay Gacanta Ku Heyso Waxbarashada Ka jirta Inta Badan deegaanada Maamulka Gal-mudug Waxa Uuna Ugu Baaqay in Ay Sii Wado Dadaalkeeda.

Ugu Dambeyntii Shacabka Ku Dhaqan Dhuusa-mareeb Ayuu Ugu Baaqay In Iskaa Wax U Qabso Ku Dhistaan Magaalada dhuusa-mareeb OO Ah Xarunta Gobolka Gal-gaduud Ahna Sidoo Kale Caasimadda Maamulka Gal-mudug.