Wednesday, January 15, 2025
HomeWararAKHRISO:- Madaxweyne Gaas Oo Magacaabay Wasiiro Cusub.

AKHRISO:- Madaxweyne Gaas Oo Magacaabay Wasiiro Cusub.

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Daahir Xaaji Khaliif u Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka Dowlada Goboleedka Puntaland.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud u Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda  Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.
Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo.

Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland.

  1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.
  2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda
    Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe