Home Dhageysi Dhageyso:-Gaas Iyo Keating Oo Kawada Hadlay Arrimo Muhim Ah

Dhageyso:-Gaas Iyo Keating Oo Kawada Hadlay Arrimo Muhim Ah

232

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas Ayaa Maanta Xaafiiska Magaalada Garoowe Ku Qaabilay Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Kulankooda Ka Dib Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas Oo War-baahinta La Hadlay Ayaa Ka Warbixiyey Waxyaabihii Uu Kala Hadlay Danjiraha Qaramada Modoobay U Fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Gaas ayaa Waxa Uu Sheegay In Uu Keating Kawada Hadleyn Arrimo Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Geedi Socodka Nabadda, Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Horu U Socodka  Soomaaliya.

Waxa Uu Tilmaamay Safarka Maanta Garoowe Uu Ku Tagay Keating In Uu Ka Mid Yahay Safaradiisii Caadiga Ahaa Ee Ku Tagi Jiray Qaar Ka Miod Gobollada Dalka Ka Puntland Ahaana Waxa Uu Sheegay In Safarkiisu Uu Muhiimad Gooni Ah U Leeyahay Maadama Muddo Lix Bil Ka Hor Ah ay Deeganada Puntland Ugu Dambeysay.