Tuesday, January 13, 2026
HomeDhageysiDhageyso:-Jubbaland Oo Sheegtay In Ay Dishay 8-Sarkaal Oo Ajnabi Ku Jiro kana...

Dhageyso:-Jubbaland Oo Sheegtay In Ay Dishay 8-Sarkaal Oo Ajnabi Ku Jiro kana Tirsan Al-shabaab

Hawl-gal Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland Ay Ka Fuliyeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose Ayaa Saraakiisha Hor kaceysay Hawl-galkaasi Waxa Ay Sheegeen In Sidii Loo Baahnaa Uu Hawl-galku U Dhacay.

Hawl-galka Ayaa Ciidamady Waxa Ay Ka Sameeyeen Nawaaxiga Buundada Araare Ee Gobolka Jubbada Hoose Halkaas Oo Ay Sheegeen In Ay Ku Dileen Saraakiil Ka Tirsan Ururka Al-shabaab.

Salmaan Axmed Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay In hawl-galkaan Maalin Ka Hor Ay Fuliyeen Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland.

Waxa Uu Tilmaamay In Hawl-galka Si Khaas Ah Looga Sameeyey Deegaan 8KM Oo Kaliya U Jira Araare Halkaas Oo Ay Ku Sugnaayeen Xubno ka Tirsan Al-shabaab Sida Uu Taliyuhu Sheegay.

Waxa Uu Xusay In Ay Dileen 8-Xubnood Oo Ka Tirsan Al-shabaab Isla-markaana Ay Ku Jiraan Saraakiil sar Sare Oo Iyana Goobta Ku Sugnaa.

Xubnaha Ay Dileen Ayuu Sheegay Taiye Ku Xigeenka In Uu Ku Jiray Nin Ajnabi Ah Oo Aan Wadanka U Dhalan Inkastoo Uusan Xusin Dhalasho Ahaan dalka Uu Kasoo Jeedo.

Sidoo kale Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland Salmaan Axmed Ayaa Sheegay In Xubnaha Ay Dileen Kasoo Qaateen Saddex Qori Oo Ah Nuuca AK 47 Iyo Hal Qori Oo Ah Nuuca Daran-dooriga U Dhaca  Amaba Daba-jeex.

Maalmihii U Dambeeyey Ciidmada Daraawiishta Maamulka Jubbaland Oo Garab Ka Helaya Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Danab Ayaa Sare U Qaaday Hawl-gallada Ka Dhanka Ah Dagaallamayaasha Al-shabaab Oo Ay Ka Sameynayaan Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliye Ku Xigeenka Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe