Sunday, December 7, 2025
HomeWararAMISOM Oo Diyaarisay Wajiga Ugu Dambeeya Howlgalkeeda Soomaaliya.

AMISOM Oo Diyaarisay Wajiga Ugu Dambeeya Howlgalkeeda Soomaaliya.

Shir ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya ayaa lagu sheegay in lagu diyaariyay wajiga ugu dambeeua ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxdii shirkaas ka qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Waxaa uu shirka ka sheegay in ay diyaariyeen Dukumiinti ay ku qeexanyihiin howlgallada AMISOM ee 2019-2021, sidoo kalena ay diyaarinta ka mid tahay wareejinta amniga Soomaaliya oo loo gacan geliyo dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in shirka mid tahay dhimista Ciidanka AMISOM inta muddadaas lagu jiro iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu mr Francisco Madeira, intaas ku daray in qorshahani la fulinayo marka uu saxiixo Midowga Afrika iyo TaliyayaashaWaddamada Ciidamada ku yaboohay howlgalka AMISOM.

Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in xalka Soomaaliya kaliya uusan ku jirin Miltariga iyo toogashada AL-shabab ee loo baahanyahay in mashaariic kale la fuliyo si loogu guuleysto taageerada dadka rayidka ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe