Weerar Ku Billowday Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soo Buuxshay Ayaa Saaka Aroortii Hore Waxaa Lagu Qaaday Xarunta C/weli Cali Cilmi yare Oo Horay U Aflagaadeeyey Suubanaheena Muxamed N.N.K.H Waxaana Jira Khasaare Isgu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Fara-Badan Oo Ka Dhashay Weerarkaasi.
Mid Ka Mid Ah Saxafiyiinta Ka Hawl-gala Gudaha Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Xasan Fantastic Ayaa Codka Gobollada Dhexe U Xaqiijiyey In Dhimashadu Ay Gaareyso Illaa Iyo 20-ruux Oo Ku Sugnaa Goobta Weerarka Lagu Qaaday.
Dadka Weerarka Ku Geeriyooday Ayaa Waxaa ku Jira Wadaadkii Xarunta Maamulayey Ee C/weli Cali Cilmi Yare Iyo 19-Kale Oo ka Mid Ahaa Xertiisa.
Sidoo kale Waxaa Jira Dhaawacyo fara-Badan Oo Ka Dhashay Weerarkaasi Waxaan Goobta Weli Laga Maqlya Rasaas.
Codka Xasan Fantastic:-
Dhinaca Xarakada Al-shabaab Ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi Saaka Dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.
Al-shabaab Baraha Ay Ku Faafiyaan Warkooda Waxa Ay Ku Sheegteen In Weerarkaasi Ay Ku Dileen Ninkii Aflagaadeeyey Nebi Muxamed N.N.K.H