Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.
Shirkan oosocon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta Dekadaha, Kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.
Sidoo kale Dowladda ayaa ka hadli doonto Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee Badaha Soomaaliya ay ka sameynayaan Maraakiibta Shisheeye, iyo xoojinta sharci looga hortagayo arrintaas.
Madaxweyn Farmaajo ayaa mudada uu ku sugnaanayo Magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ka qayb galeysa shirka.
Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyada oo ay ka soo qeyb gali doonaan inka badan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda ah.