Home Dhageysi Dhageyso;-Aqalka Sare oo Ka Hadlay Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Dhageyso;-Aqalka Sare oo Ka Hadlay Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

279

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad ayaa maanta shirguddoomiyey kalafadhiga afaraad kulankiisa tobanaad ee Guddiga joogtada ah ee  Golaha.

Kullanka maanta ayaa ayaa diirada lagu saaray Qaraxii shalay ka dhacay Xaawo Taako iyo Qubaro kulanka looga dhageystay nidaamka Federaalka.

Mudane Mowliid Xuseen Guhaad oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa marka wuxuu tacsi u diray ehalada iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay argagixisadu ay ka fuliyeen isgoyska Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho,isagoona dhinaca kale caafimaad rabi uga baryayay dadkii dhaawacmay.