Sunday, October 13, 2024
HomeWararDowladaha Sucuudiga iyo Baxreyn oo cambaareeyey qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Dowladaha Sucuudiga iyo Baxreyn oo cambaareeyey qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxigxigay oo shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasoo galaaftay nolosha dad maato ah aan waxba geysanin.

Masu’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah ee argagixisinimada,wuxuu cadeeyay inuu dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumintii ku geeriyootay qararyadaasi naf la caariga ah.

Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah,wuxuuna u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu eebe bogsiiyo kuwii ku dhintayna janadiisa ka waraabiyo.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda  dalka Baxreyn bayaan ay soo saartay ayay ku cambaaraysay qaraxyadaasi waxayna  sheegtay in ay la jirto Xukuumadda Soomaaliya kana saacidayso ka hortagga falalka cadawtinimo ee noocan ah oo xasiloonida iyo nolasha shacabka Soomaaliya qalqal gelinaya.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay  in mowqifkeeda ku aadan argagixisada uu yahay mid cad kana shaqeynayso sidii dunida looga cirib tiri lahaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe