Tuesday, June 9, 2026
HomeWararGudahaDG Puntland oo shaaciyay la maxkamadeyn doono 18 askari oo hakiyay isku...

DG Puntland oo shaaciyay la maxkamadeyn doono 18 askari oo hakiyay isku socodka Garoowe

Taliska Ciidanka Booliiska ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamad la horgeyn 18 askari oo dhawaan gadood ka sameeyay gudaha magaalada Garoowe.

Askartan ayaa xirtay isu-socodka waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Puntland, iyadoo falkaasi uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga.

Askarta gadoodka sameeyay ayaa sheegay inay ka cabanayeen mushaar la’aan baahsan iyo inaysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka.

Ciidamadan ayaa ka tirsanaa cutubyo uu bishii Abriil ee sannadkan tababar u soo xiray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, waxayna ku doodeen in tan iyo xilligaas aysan helin wax lacag ah ama daryeel ciidannimo.

Go’aanka Taliska Ciidanka Taliska Ciidanka Puntland ayaa xaqiijiyay in dhammaan askartii ku lugta lahayd falkaas la xiray, haddana ay ku jiraan gacanta dowladda.

Talisku wuxuu ku eedeeyay askartan inay ku kaceen fal ka baxsan anshaxa ciidanka, ayna jabiyeen nidaamka iyo waajibaadka qaran ee ay u dhaheen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe