Wednesday, June 10, 2026
HomeWararGudahaGarsoore Cumar Cabqaadir Cartan oo ku laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday...

Garsoore Cumar Cabqaadir Cartan oo ku laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday ka qaybgalka Koobka Adduunka

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, iyadoo ay tani noqon lahayd markii ugu horreysay ee garsoore Soomaali ahi dhexdhexaadiyo ciyaar ka tirsan tartanka ugu weyn kubbadda cagta dunida.

Cartan ayaa lagu sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Istanbul, halkaas oo taageerayaal iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku macasalaameeyeen kahor safarkiisa. Waxaa Muqdisho ka socda diyaar garow xooggan oo lagu soo dhoweynayo.

Garsooraha ayaa haystay fiisihii uu ku geli lahaa Maraykanka si uu uga qayb galo hawlaha la xiriira Koobka Adduunka, balse dowladda Maraykanka ayaa ka hor istaagtay inuu dalkaasi galo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin iyo hay’adaha ku lugta leh arrinta.

Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters garoonka diyaaradaha Istanbul, Cartan ayaa sheegay inuu niyad wanaagsan ku laabanayo dalkiisa, inkastoo uu seegay fursad taariikhi ah.

“Waxaan dareemayaa wanaag. Waxaana u mahadcelinayaa FIFA sida ay ii caawisay iyo umadda Soomaaliyeed sidoo kale. Sidaa darteed waan ku mahadinayaa FIFA iyo CAF sidoo kale,” ayuu yiri Cartan.

Cartan ayaa rajaynayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhexdhexaadiya kulan ka tirsan Koobka Adduunka.

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay in Cartan uusan awoodin inuu ka qayb galo tababarrada iyo dhexdhexaadinta ciyaaraha tartanka, kadib markii dowladda Maraykanka ay dhammaadkii toddobaadka u diiday gelitaanka dalkaasi.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay samaysay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kula xaajoonaysay Maraykanka iyo FIFA si loogu oggolaado Cartan inuu galo dalkaasi, balse dadaalladaasi aysan miro dhalin.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdada, iyagoo ku tilmaamay inay niyad-jab ku tahay garsooraha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed.
 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe