Tuesday, June 9, 2026
HomeWararGudahaTurkiga oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Turkiga oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Ferhat Alkan ayaa maanta loo soo magacaabay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, sida lagu shaaciyay wareegto uu soo saarey Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan.

Magacaabista Safiirka cusub ayaa ku soo aadeysa xilli Dowladda Turkiga ay maalmihii la soo dhaafay waday kulamo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Safiirka cusub, Ferhan Alkan wuxuu howlaha diblumaasiyadda ka soo shaqeeyay tan iyo sannadkii 2001, isagoo ka howlgalay Safaaradaha Turkiga ee Washington, Beijing, iyo Kabul.

Sidoo kale, intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2014 wuxuu soon noqday Madaxa Borotokoolka ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Dayib Erdogan.

Danjire Ferkan tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore 2025 ahaa Safiirka Turkiga ee dalka Mozambique oo ku yaalla Koofur Bari ee Qaaradda Afrika.

Dhanka Waxbarashada, Safiirka cusub ayaa Shahaadooyinka Bachelor iyo Mastar ka heystaa Culuumta Siyaasadda iyo Xiriirka caalamiga ah.

Magacaabista Mas’uulkan ayaa ku soo aadeysa xilli Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka shaqeynayso dajinta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo dhexdhexaadineysa Dowladda iyo Mucaaradka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe