Friday, April 25, 2025
HomeWararDegDeg:- Guddoomiya Baarlamanka DFS Oo Cambaareyay Gabar lagu Xiray Kismaayo.

DegDeg:- Guddoomiya Baarlamanka DFS Oo Cambaareyay Gabar lagu Xiray Kismaayo.

Guddoomiya Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay Xarrig loo geystay Gabar da’yar ah oo facebook-ga ku taageertay Dawladda federaalka soomaaliya.

Guddoomiye Mursal Ayaa war uu soo dhigay bartiisa Tuwiiterka (twitter) ku sheegay in uu Cambeereynayo kana xunyahay xariga kismaayo loogu geystay Sahro Maxamed Yuusuf, taasi oo maalmo ka hor ay xireen ciidamada maamulka jubbaland.

Maxamed Mursal Guddomiyaha Baarlamaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhigtay in ay muhiim tahay in la dhawro Xorriyadda hadalka, waxaana uu jubbaland ka dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo.

“Waxaan Cambaareynayaa xariga kismaayo loogu geystey Gabadhan Da’da yar ee loo xirey taageerada ay u muujisey Dowladda dhaxe aawgeed, waa in la dhowro xoriyada hadalka, waxaan Codsanayaa in deg deg loo sii daayo shuruud la’aan” ayuu yiri.

Maamlo ka hor ayay aheyd markii Xabsiga magaalada kismaayo lagu xiray Sahro Maxamed Yuusuf oo la sheegay in ay barteeda Facebook-ga ku soo qortay ereyo at ku taageereyso Dawladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka jubbaland oo ku aadan xariga gabadhaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

374 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe