Home Dhageysi DEG DEG:-Weerar Kadhacay Duleedka Janaale

DEG DEG:-Weerar Kadhacay Duleedka Janaale

374

Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar Kadhacay duleedka   deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Weerarkaan ayaa ahaa Qarax miino sida ay sheegeen ilo deegaanka ah waxaana lala Beegsaday  kolonyo ay la soceen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxaan ayaa sheegatay inay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidanka dowladda, gaar ahaan gaari booyad ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaamatay in weerarkaasi ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay ciidamadaasi, walow aysan shaacin tiro rasmi ah.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray.