Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Kujira Xaalad Kanaatiil ah sida uu shaaciyay Jimciihii Shalay ahaa Gudoomiyaha.
Waxa uu sheegay Moussa Faki in mid Kamid ah Shaqaalaha Xaafiiskiisa Laga helay Coronavirus sidaasina uu kugalay Xaaladaani Karaantiilka ah.
“Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalahayga xafiiskeyga ee Komishanka Midowga Afrika laga helay COVID-19. Qofka shaqaalaha ah wuxuu ku jiraa xaalad deggan” ayuu yiri Mussa Faki.
“Tallaabooyin taxaddar leh ayaan qaadnay waxaan nahay karantiil aniga iyo qaar ka mid ah Shaqaallaha Xafiiskeyga” ayuu Mahamat ku soo qoray Twitter.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in uu Karaantiilka kujiri doono tan iyo inta laga baarayo cudurkaan maadaama uu aad ugu dhawaa shaqsigaani laga helay cudurka.