Home Barnaamijyo DEG DEG:-Xanuun Soo wajahay Ra,iisul wasarihii hore Ee Somaliya Nuur Cadde.

DEG DEG:-Xanuun Soo wajahay Ra,iisul wasarihii hore Ee Somaliya Nuur Cadde.

423

Muqdisho:-Waxaa magaalada London Ee Xarunta Boqortooyada ingiriiska Kuxanuunsanaya Ra,iisul Wasaarihii horre Ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur(cadde) Sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.

Xaalada Caafimaad Ee X-Ra,iisul wasaare Nuur cadde ayaa hada ah mid aad u liidata sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya Caasimada Dalka Ingiriiska.

Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa qoraal kooban oo uu kusoo daabacay Bartiisa Facebook Alle uga rajeeyay Ra,iisul wasaarihii horre Ee soomaaiya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde in Caafimaad Deg Deg ah uu Siiyo.
Qoraalka Ra,iisul wasaare Xasan Cali khayre ayaa u qornaa sida tan:-

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin”