Thursday, May 7, 2026
HomeWararGudahaDowladda Burkina Faso oo Soomaaliya ka caawinaysa la dagaalanka AS

Dowladda Burkina Faso oo Soomaaliya ka caawinaysa la dagaalanka AS

Dowladda Burkina Faso ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka AS gaar ahaan sidii ciidanka Soomaalida loo siin lahaa khibrado la xiriira dagaalka.

Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa la kulmay Wafdi sare oo ka  socda Soomaaliya, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa Madaxweyne Traoré u gudbiyay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Farriintan ayaa la xiriirtay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada masiiriga ah.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, oo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Burkina Faso, ayaa si wadajir ah u shaaciyay iskaashi ay markii ugu horreysay yeelan doonaan labadan dowladood.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya iyo Burkina Faso ay wadaagaan caqabado amni oo isku mid ah, maaddaama ay labada dalba kula jiraan dagaal adag kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Dalka Burkina Faso oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Afgami Militeri, kaasi oo ay hogaaminayeen saraakiil da’yar, waxaana la dhisay dawlad milateri ah oo uu hoggaamiyo Kabtan Ibrahim Traoré.

 

 

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe