Friday, April 18, 2025
HomeWararDagaal culus oo ka socda koofurta Magaalada Baladweyne

Dagaal culus oo ka socda koofurta Magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  dagaal u dhaxeeya ciidamada Dawladaa Federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Alshabaab uu ka socda deegaanka Baar-dheere oo ku yaal Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday ka dib markii xubno ka Tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen  Fariisin ciidamadda Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay ku lahaayeen  degaankaas waxana labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Xubnaha ka tirsan   Alshabaab ee weerarka ku qaaday degaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in webiga ay ka soo gudbeen.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka balse ciidamadda dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ayaa la sheegay in gurmaad uu gaaray dagaalkana sidaas uu  ku sii xoogeystay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe