Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Kismayo kadib salaaddii Ciidda, si adag ugu weeraray Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku eedeeyay in dowladdiisu ku fashilantay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in “waqtigii dowladda dhexe uu dhammaaday”, isagoo ku dooday in aan maanta jirin dowlad lagu kalsoonaan karo oo ay dhinacyada siyaasadda iyo dowlad-goboleedyadu wada shaqeyn la yeeshaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in nidaamka siyaasadeed ee hadda jira uu lumiyay wadatashigii iyo is-afgaradkii lagu maamuli jiray doorashooyinka iyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhaliilay qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah, isagoo ku tilmaamay mid aan weli hirgelin, islamarkaana horseeday, sida uu yiri, “doorasho dabran” oo lagu sii qorsheeyo cidda xilalka qabanaysa.
Khudbaddiisa ayuu sidoo kale kaga hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in dad badan laga barakiciyay caasimadda, isla markaana uu “la qaybsanayo dhibaatada shacabka Muqdisho”.
Waxa uu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal” iyo dad sharciyeynaya dhul si sharci-darro ah lagu qaatay.
Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu “dadka isu keeno” oo uu ka tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya dhinacyada siyaasadda.
Waxa uu xusay in Soomaaliya u baahan tahay dib-u-heshiisiin iyo in talada dalka dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, khudbadda Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

