Wednesday, May 27, 2026
HomeWararGudahaMW Xasan Sheekh “Amniga hala ilaaliyo oo yaan dib loogu noqon wixii...

MW Xasan Sheekh “Amniga hala ilaaliyo oo yaan dib loogu noqon wixii lasoo maray”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si qotodheer uga hadlay amniga ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dhinac dhigaan kahor adkaynta nabadgalyada iyo maanta.

Waxa uu Shacabka usoo jeediyay in ay Laamaha Ammaanka kala shaqeeyaan sii xoojinta nabadgalyada, meel fog ayuu ka istaagay hadallada lagu durayo Dowladda Federaalka iyo qorshaha lagu sugayo Amniga.

“Amniga hala ilaaliyo oo aan yaan dib loogu noqon wixii lasoo maray, Dadka Soomaaliyeed waxa aan leeyahay Dowladnimada ay gaareen ha ilaalsadaan, yaan nala fiicnaan wixii shalay lasoo maray sida qaraxyadii, Dilalkii & Masaajidda la isku dhex dili jiray oo sabab u ahayd Dowladdeenna oo curdin ahayn” Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta ayuu sheegay in keliya ay aragti ka keeni karaan Mustaqbalka Dalka balse aanay la aqbali Karin in Dalku uu joogo meeshii shalay laga keenay waa sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad jeediyay salaadda ciidda kaddib.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe