Ilaa iyo 4-ruux oo Kamid ahaa Dadka Diyaarada itoobiya Airline ay kadajisay Madaarka Magaalada Hargaysa Ee Caasimada Somaliland ayaa Laga helay Cudurka halista badan Ee Coronavirus.
Afarta ruux ayaa ahaa kuwo u dhashay Dalka jabuuti waxa ayna Kadib kadagistoodii hargaysa uga sii gudbeen Xadka Somaliland ay Lawadaagto Jamhuuriyada Jabuuti.
Dawlada Jabuuti oo Xaqiijisay Kiisaskaan waxa ay sheegtay in Muwaadiniinta u dhashay Dalkeeda ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Hargeysa kadib Safar dhulkaa ugu soo gudbee jabuuti iyaka oo Ka soo galay Dhanka Lowya cado Baaritaano Kadibna laga helay COVID-19.
Xayiraada Jabuuti ay Saartay Duulimaadyada Caalamiga ah ayaa keentay in Dadka u Socda jabuuti ay soomaraan hargeysa Kadibna Safar dhinaca dhulkaa ay ku galaan gudaha Dalkaasi.
Cabsi ayaa laga qabaa in Dad badan oo Soomaaliland ay keentay Diyaaradaasi ay qabaan COVID-19 aysana kawar haynin Xukuumada Somaliland maadaama aysan haysan Qalabka lagu Baaro Fayriskaa.