Madaxda Maamulka Puntland ayaa Kadib kulamo ay Kula yeesheen Magaalada Garoowe Ee Caasimada Maamulka Puntland Gudiga Kahortaga Coronavirus Waxa ay Mamnuuceen Basaska Kashaqeeya Gudaha Puntland Si looga hortago faafitaanka COVID-19.
Waxaa Sidookale Awaamiirta ay Soorogtay Puntland Qayb ka ah in gaadiidka Looyaqaano TAXI-ga aysan qaadi karin Wax ka badan Saddex ruux.
Waxaa Bandaw lagu Soorogay isku Socodka Gaadiidka iyo Dadka Laga Bilaabo 6:00 makhribnimo ilaa 5:00 Aroornimo.
”Laga Bilaabo 1-da April ilaa 15-ka April 2020 Waxaa la joojiyay Basaska kashaqeeya Magaalooyinka Dhaxdooda iyo Kuwa u kala gudba Magaalooyinka Puntland.
Waxaa Bandaw lagu Soorogay isku Socodka Dadka iyo Gaadiidka Magaalooyinka Putland Laga Bilaabo 6-da Makhribnimo ilaa 5-ta Subaxnimo inta u dhaxaysa sidoo kale waxaa lafarayaa Baabuurta yaryar in aysan qaadi karin wax kabadan Saddex qof” ayaa Lagu yiri Awaamiirta Kasoobaxday Maamulka Puntland.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

